Baarlamaanka dalka Turkiga oo kulan ku yeeshay Arbacadii shaley magaalada Ankara ayaa muddo Hal sano ah ugu kordhiyay Ciidamada ka howlgala dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Gacanka Cadmeed.
Ciidamada Turkiga ee mudo kordhinta loo sameeyay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo ilaaliya Maraakiibta mara Biyaha Soomaaliya, Gacanka Cadan iyo Marin biyoodka Baabal Mandab.
Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa dood dheer kadib waxaa ay isku raaceen in ciidamadooda ay sii joogaan ilaa 10-ka February ee Sanadka 2019-ka, waana markii Tobonaad oo muddo kordhin u sameeyeen Ciidamada Turkiga ee ka howlgala Bariga Afrika iyo Gacanka Khaliijka Carabta.
Waxaa kaloo jirtay in Baarlamaanka Turkiga ay codka kalsoonida siiyaan in Ciidamo dheeraad ah lagu daro 10-ka Bishan Ciidamada Turkiga ee Howgalka ku jira.