Sida muuqaalka ku cad farshaxanka weyn ee Amiin Camir ayaa soo bandhigey in ay la egtahay dhibaatada haatan ka jirta gudaha maamulka koonfur galbeed.
Madaxweynaha xiligiisa sii dhamaanaaya ee shariif xasan oo maamulkiisa si mugdi ah odayaal uu laaluushey oo kasoo jeeda beela degan gobolka shabelaha hoose ay ku dhiseen ayaa haatan waxaa uu muuqaalkan muujinayaa odayaashii dhaqanka ee shaley dulaalka u ahaa in ay maanta ka kala carareen ayadoo qaar ka mid ah odayaashii dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose ee shaley ay weli ka dhul sugayaan maamulka shariif oo majaraha u qabta maamulka koonfur galbeed iyo weliba gobolka shabelaha hoose.
Si kastaba arintu ha ahaatee Suldaan warsame, Suldaan Buube, Suldaan Siidow Maamow, Suldaan cusmaan iyo Suldaan Ibraahin Cali Xaaji ayaa go,aan ku gaarey in ay u istaagaan qadiyada gobolka shabelaha hoose halka Suldaan Xedar iyo ugaas Nuur Shaakoow ay door bideen in ay shariif xasan garab ku siiyaan burburka iyo barakicinta uu ka wado gobolka shabelaha hoose.
Suldaan Xeydar iyo Ugaas Nuur Shaakoow ayaa labadaba ah laba ruux oo lagu heysto jegada ay reerka u hayaan sida suldaan xeydar oo ay isku dhegen yihiin suldaan faqi halka ugaas Nuur shaakoow uu wakiil u Yahay Ugaas Baniin oo haatan ku sugan magalada boorame.
DULAALLOOW DABKAA BA’A