Xaalada Dalka Itoobiya oo Alwsahal ah Iyo Xaalad Deg Deg Ah oo Lagu Soo Rogey

0
82

Golaha wasiirrada ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah dalkaasi ku soo rogeen maalin kaddib markii uu iscasilay Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn.

Desalegn ayaa sheegay in iscasilaaddiisa ay muhiim u tahay si wax looga qabto cabashooyinka dawladda lagaga soo horjeedo oo dad badan ay ku dhinteen, kuwa kale oo badanna ku dhaawacmeen.

Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobollada Oramada iyo Amxaarada, iyadoo kuwii ugu dambeeyayna ay ku dhinteen 10 qof tira kaalana waa ay ku dhaawacmeen.

Isbahaysiga dalka xukuma waxay kaloo ballan qaadeen wada hadallo si la isugu dayo in xal loo helo dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalkaas ka taagan.