Kenya oo Sheegtey Iney Ciidamo Dheeri Ah Keeni Doonto Xuduuda Ay La Wadaagto Somaliya

0
115

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ciidamo cusub oo dheeraad ah dhowaan la geynayo xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kadib weerarro laga cabsi qabo in Al-shabaab ay geystaan.

Wasiirka Amniga Kenya oo booqday gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa socdaalkiisa waxaa uu la xiriiray u kuurgalida xaaladaha amniga gaar ahaan degmada Wajeer.

Wasiirka oo saraakiisha ammaanka kula hadlay gobolka ayaa ku amray in ay gacan bir ah ku qabtaan sugidda amniga, cidii shaqada dayacdana lala tiigsan doono maxkamad oo ay la kulmi doonto ciqaab.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in tababar loo soo xiray qaar ka tirsan dadka ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari, kuwaasi oo Askarnimo loo tababaray si ay ula dagaalamaan xoogagga Al-shabaab ee weerarrada ka geysta gobolka.