Dhegeyso: Maamulka Somaliland oo Ka Hadley Maalgashiga Itoobiya ay Ku Sameysaneyso Dekeda Berbera

0
74

Wafdigii maamulka Somaliland u soo saxiixay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee shalay ka dhacay Imaaraadka ayaa maanta dib ugu laabtaY magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Dr. Saciid Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay Itoobiya in 80 Milyan oo Dollar ku maalgashaneyso Dekeda Berbera.

Sidoo kale Wasiirka Arriimaha DIbadda Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiska u dhaxeeya Itoobiya, Somaliland iyo DP-world, wuxuuna tilmaamay in mashaariicda dhammaan la bilabayo sanadkan.

Shacabka Soomaaliland ayaa horey Madaxdooda ugu eedeeyay in ay ku fashilmeen Hoggaaminta iyo u adeecsanaanta shacabka, waxaana ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan heshiisyada lala galaayo shirkadaha ajaanibta ah.

Saciid Cali Shire

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Saciid Cali Shire Mobil