Waxaa Goor dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad siday maxaabiis Soomaaliyeed, kuwaasi oo in mudo ah ku xirnaa dalka India.
Maxaabiistaan ayaa qaarkood muddo waxa ay ku xirnaayeen xabsiyada dalka hindiya sanado badan, iyadoona loo heystay dambiyo kala duwan sidda in ay burcad yihiin.
Soo dhaweynta Maxaabiistaan oo ka badan 70 ayaa waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Maxaabiistan maanta la keenay ayaa dhibaato xooggan ku qabay xabsiyada ay ku jiraan, iyadoo qaarkood ay xirnaayeen ku dhawaad 8 sano.