Dhegeyso: Wasiirka Gaashaandhiga oo Ka Hadley Qorshaha Ay Maleegayaan Alshabab

0
74

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ciidanka dowlada ku amaaney qaabkii ay dhawaan isaga difaaceen weerarkii alshabab waxaana uu sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay maleegayaan weeraro cusub.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka hortaggaan weerar kaste oo Shabaab kaga yimaada.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Shabaab ay waddaan qorshayaan cusub oo ka dhan ah dowladda , islamarkaana ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay la yimaadaan qorshe cusub.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho kadib markii dhawaan Shabaab ay weerareen Xarumo ku yaalla Muqdisho.

W gaashaandhiga