Qaar Ka Mid Ah Xildhibanada Dowlada Federaalka Somaliya oo Wada Mooshin Ka Dhan Ah Heshiiska Dekeda Berbera

0
63

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay khilaafka ka taagan heshiiskii saddex geesoodka ah ee Dekedda Berbera ayaa sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah heshiiskaa oo ay ku sheegeen in uu yahay mid aan la aqbali karin.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo la hadlay warbaahinta ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiska saamiga oo ay wadda galleen shirkadda DP World, Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in mooshinkan ay hadda wadaan uu uga duwan yahay kii ka horeeyay in markan la soo bandhiggay heshiis saami lagu qeybsanayo, taasoo muujineysa ayuu yiri xadgudubka lagu hayo hay’adda dastuurka ee dowladda.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa si adag uga hor yimid heshiiska saami-qeybsiga ee Dekedda Berbera, waxaana uu ra’iisal wasaaruhu sheegay in ay sharci la taagsan doonaan cid kasta oo arintaa ku lug yeelatay.