Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa ganafka ku dhuftay hadalkii ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in heshiiskii saddex geesoodka Dekeda Berbera uu ahaa mid sharci darro ah.
Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
Dowladda Federaalka ayaa si kulul uga soo horjeesatay heshiiska Dekeda Berbera, waxaana ay ku tilmaamtay mid sharci daro ah oo aan haba yaraatee waxba ka jirin, iyadoo u digtay shirkadaha maalgashiga ee aan soo marin hey’adaha dastuuriga in sharciga lala tiigsan doono.
Si kastaba arintu ha ahaatee siyaasiyiinta somaliyeed iyo kooxaha maamul qabiileedka u kala qeybiyey dalka ayaa inta badan waxaa ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u baabi’in lahaayeen sumcada iyo dadnimada umada somaliyeed ayagoo ku bedeshey waxoogaa shilimaad aan wax qiimo leh ku fadhin.