Dowlada Turkiga oo Dhar Ciidan Ugu Deeqay Ciidamada Dowlada Federaalka Somaliya

0
90

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa ka guddoomay Darees ciidan dowladda Turkigu dareyskaas oo logu tala galey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dareeskan dowladda Turkiga ay ugu deeqday ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya ayaa isugu jiray Dhar, Kabo iyo Agab kale oo labiska ciidamada la xiriira, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Turkigu ku taageerayso ciidanka xoogga dalka.

Munaasabad kooban oo Dareeska loogu wareejinayay ciidamada xoogga dalka ayaa ka dhacay xerada tababarka Jasiira, waxaana taliyaasha ciidamada Cirka iyo Badda Admiral Madey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali Deble Baylood ay balan-qaadeen in ay u maareyn doonaan sidii loogu talagalay.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahad-celiyay dowladda Turkiga sida ay u garab taagan-tahay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,isagoo ku tilmaamay mid dhiiro-gelinaysa ciidamada xoogga dalka.