Gudiga Dib u Egeista Dastuurka iyo Wasiirka Dastuurka oo Khilaaf soo Kala Dhex Galay

0
67

khilaaf xoogan oo u dhexeeya guddiga la socodka dib-u-eegista dastuurka ee Labada Aqal iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa gaaray meeshii ugu dambeysey.

Qoraal ay soo saareen gudiga dib u eegista dastuurka ayaa lagu wargaliyay guddoomiyaasha baarlamaanka iyo Aqalka Sare isla markaana lagu ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federalka ayagoo qoraalka ku sheegey in Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil uu hortaagan yahay geedi-socodka dastuurka.