Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhaweeyay ilaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Libya, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.
Dowlada Soomaaliya ayaa balanqaday in iyada oo kaashaneysa Hay’adda IOM ilaa meesha ugu danbeysa ka shaqeyn doonta sidii dhalinyarada Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa dalkooda Hooyo.
Dhalinyaradan maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa sheegay in dhibaatooyin kala duwan la kulmeen muddadii ay ku sugnaayeen dalkaasi Libya, iyaga oo uga mahad celiyay dowladda Soomaaliya dadaalka ay u gashay sidii dib loogu soo celin lahaa.
Ma’aha maxaabiistii ugu horeysay ee laga soo celiyo dalkaasi Libya, Labo cisho ka hor ayeey aheyd markii dowladda federaalka dalka dib ugu soo celisay maxaabiis muddo ka badan 7 sano ku xirnaa dalka India.