Dhegeyso: Khilaafkii u Dhexeeyey Gudiga Dastuurka iyo Wasiir Xoosh oo Sii Xoogeystey

0
84

Khilaafka u dhaxeeya Wasaaradda Dastuurka iyo sidoo kale Guddiga Dastuurka ayaa xoogeystay sida ay shaaciyeen Guddiga dastuurka.

Guddiga Dib u eegista ayaa dhawaan qoraal ay soo saareen oo ka koobnaa Lix qodob ayaa waxa ay sheegeen kalsooni kala noqoshada Wasiir Xoosh, islamarkaana ay ku war galiyeen Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Guddiga Dastuurka Aqalka Sare oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in uu sii xoogeystey qilaafkii u dhexeeyey gudiga dastuurka iyo wasiir xosh , islamarkaana uu saameyn ku yeesheen Shaqaddii dastuurka ee la doonayay in la meelmariyo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Wasaarada dastuurka ay noqotay Fadhiid, Wasiirkana la doonaayo in meesha uu ka baxo si loo bilaabo howlaha dastuurka.

Sanatar-Xuseen-Sheekh

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Sanatar Xuseen Sheekh Mobil