Doorashada baarlamaanka Jabuuti oo lagu dhawaaqay

0
54

Natiijada rasmiga ah ee doorashada baarlamaanka Jabuuti ayaa lagu dhawaaqay, xilli in muddo ah dood ay ka taagneyd qaabka ay u dhacday doorashada.

Horey waxaa loo soo saaray natiijo ku meel gaar ah oo mucaaradku ay ku sheegeen mid lagu shubtay.

Guddoomiyaha golaha dastuurka ee Jabuuti Cabdi Ibraahim Cabsiiye ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoo ku aqriyay afka Faransiiska.

Xisbiga UMP ee talada haya ayaa helay aqlabiyadda kuraasta, isagoo codadka ugu badan ka helay deegaannada Cali sabiix, Tajoura iyo kuwa kale.

Doorashada oo dhacday 23-kii February ee sanadkan ayaa markii hore muran dhalisay, kadib mucaaradku ay ka biya diideen natiijada.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xilligaasi beenisay in ay dhacday ku shubasho dhinaca codadka ah.

Axsaabta mucaaradka ayaa hadda u muuqda kuwa aqbalay natiijada rasmiga ah ee doorashada kadib markii meelaha qaar ay ka heleen kuraas aanay helin markii hore.

Dadka reer Jabuuti ayaa inta badan soo dhaweeyay natiijada rasmiga ah ee lagu dhawaaqay.