Muuse Biixi oo sheegay in Kheyre uu iclaamiyay dagaal

0
82

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in hadalka reysul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ee ku aaddanaa heshiiska dekedda Barbera uu yahay mid ka dhigan dagaal, islamarkaana uusan is hortaagi karin heshiisyada Somaliland ay galeyso.

Biixi ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka hadlayay munaasabadda maalinta haweenka adduunka ee 8-da March oo ka dhacday magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi waxa uu carabaabay in Kheyre aanan is hortaagi karin horumarka Somaliland, islamarkaana Somaliland ay diyaar u tahay dagaal haddii leysku dayo in la is hortaago horumarkeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor sharci darro ku tilmaantay heshiis ay wada galeen Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda deekedaha ee DP world kaasoo dhigayay in saamiga dekedda Berbera ay Somaliland qaadato 31%, Itbooya 19% shirkadda DP world-na 51%.

Qaar ka tirsan siyaasiyiinta iyo dhallinyarada reer Somaliland ayaa sidoo kale ka horyimid heshiiska iyagoo xusay inuu yahay mid aanan faa’ido ugu jirin dadka deegaanka.

 

Shirkadda DP world ayaa dhawaan laga soo ceyriyay dalka Jibuuti kadib markii uu is afgaran waa dhinaca heshiiska ah uu dhex maray labada dhinac. DP world ayaa hadda rabta inay dekedda Berbera ka dhigato meel istaraatiiji ah oo ay ka maamusho badda cas iyo guud ahaan geeska Afrika.