Kulankii Jaamacada Carabta oo La Isku Soo Qaaday Khilaafka u Dhexeeya Dowlada Somaliya iyo DP World

0
57

Iyadoo oo uu sii xoogeysanayo khilaaf u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo shirkadda DP World ayey dowladda Soomaaliya waxaa ay qoraal Ashtako ah dirtay Ururka Jaamacada Carabta.

Dowlada federaalka ayaa ku tilmaamtay heshiiskii dhawaan lagu qeybsaday saamiga dekedda Berbera mid sharci darro ah oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa iyo hay’addaha dastuuriga ah ee dalka.

Bayaan ka soo baxay Jaamacada Carabta oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhoweeyay Wadahadalkii kol hore u bilowday dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland, waxayna ku boorisay labada dhinac in ay sii wadaan si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya.

Jaamacada Carabta ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay iney taageersan tahay howlgalada ay Somalia ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee dowlada federaalka ka taageeraya dhinaca soo celinta nabada & xasiloonida Soomaliya.

Sidoo kale Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in uu sii wadayo taageerada uu siiyo heyadaha dastruuriga ah ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Nabadgelyada iyo dib u dhiska dalka.