Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo tiradoodu gaarey 76 ayaa mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari u gudbiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka.
Xildhibaanada oo soo saaray warqad qoraal ah oo ay warbaahinta u Akhriyeen ayaa ujeedka Mooshinkooda waxaa ay ku sheegeen mid kalsoonida lagala noqonayo guddoomiye Jawaari.
Sida ku cad qoraalka mooshinka ay xildhibaanada u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka, guddoomiye Jawaari ayay xildhibaanadani ku eedeeyeen arrimo ay ka mid yihiin in uu hareer maray dastuurka dalka, taasoo ay sheegeen in ay waxyeeli karta qarannimada Soomaaliya.
Waxaa kale oo ay ku eedeeyeen xadgudub ka dhan ah xeer hoosaadka baarlamaanka iyo in uu ku fashilmay dhameystirka qaab dhismeedka guddiyada baarlamaanka, gaar ahaanna guddiga adeegga baarlamaanka.