Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in mooshinkii laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari uu ku buray dhinaca sharciga, madaama xildhibaannadu buuxin waayeen tiradii loo baahna.
‘’Mooshinka markii hore waxaa soo gudbisay 107 xildhibaan waxaa markii danbe ka noqday oo isaga baxay 16 xildhibaan sidaa waxaa ku soo xaray 91 mudane, waxaana sida uu sharcigu yahay loo baahan yahay in mooshinka ay soo gudbiyaan 92 xildhibaan, sidaa ayuu ku buray mooshinkii laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka ayuu yiri’’ Xogyahaha Golaha Shacabka.
Xiliga uu shirka jaraa’id qabanaya xoghayaha waxaa garab fadhiyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.
Laakiin ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cawali Sheekh Mudeey oo la sheegay in uu qabtay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka.