Dhegeyso: Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Ka Hadley Moshinkii Laga Keenay Maalinti Shaley

0
102

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay Mooshinkii maalintii shaley ay ka gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari oo gelinkii dambe ee shaley warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inuu codsanayo in xildhibaanada ay ilaaliyaan Golaha midnimada.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka in Sabtida wixii ka dambeeya ay bilaabanayaan Howlaha Baarlamaanka, Mooshinkana uu sidaasi ku buray, isaga oo tilmaamay in arrintan ay aheyd Dimuqraadiyad.