Imaaraadka oo tababaraya ciidammada Somaliland

0
108

Dowladda imaaraadka carabta ayaa tababareysa ciidammada militariga iyo booliska Somaliland sida lagu sheegay war ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay in atrrinta tababarka ay qeyb ka aheyd heshiiskii shirkadda DP world ee ay dhawaan la gashay. isagoo xusay in imaaraadku ay aqoon iyo xirfadba u leeyihiin tababarka ciidammada.

Imaaraadka ayaa saldhig militari ka dhisan doona Berbera, taasoo la sheegay in lagu dhammeystiri doono muddo laba sano ah.

Shirkadda DP world oo heshay 51%-kiiba saamiga dekedda Berbera ayaa heshiis dhan 30 sano la gashay Somaliland, halka dalka itoobiya laga siiyay saamiga 19%, taasoo dood badan dhalisay.

Labada aqal ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka horyimid heshiiska, iyagoo faray in shirkadda DP worl ay gebi ahaanba ka baxdo Soomaaliya, halka baarlamaanka Somaliland uu sheegay in heshiisku uu yahay mid harci ah, iyagoo ku doodaya in Somaliland ay madax bannaan tahay.

Dowladda Soomaaliya waxey Isutagga imaaraadka Carabta ka gudbisay cabasho dhowr ah oo ku aaddan madax bannaanideeda.