Ciidamo Gelinkii Dambe ee Maanta La Wareegey Xarunta Golaha Shacabka Iyo Jawaari oo Sheegey Inuu Falkan Ka Dambeeyo Reysulwasare Kheyre

0
73

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Ferderaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay Ciidamada gelinkii dambe ee maanta la wareegay xarunta Golaha Shacabka.

Xarunta Golaha Shacabka waxaa ammaankeeda horey u ilaalin jiray Ciidamo Boolis ah oo tiro ahaan gaaraya 114, oo uu ka warhayo Guddoonka Golaha Shacabka, kuwaasi oo Miisaaniyad gaar ah lagu siiyo.

Guddoomiye Jawaari ayaa waxa uu sheegay in galabta la qaaday Ciidankii oo dhan lana keenay Ciidamo cusub, iyada oo uu sheegay inaan lagu soo wargelin.

Wuxuu sheegay falkan in ay ka dambeyso Xukuumadda, wuxuuna tilmaamay wixii dhibaato ah ee arrintan ka dhasha in wax laga weydiin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kahyre.

Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ayuu ugu baaqay in ay bad baadiyaan xarunta Golaha Shacabka, maadaama ay tahay xaruntooda oo ay ku shiraan.

Beesha Caalamka, Culimada iyo ururada Bulshada Rayidka ayuu ka dalbaday in arrintan ay la socdaan, ayna ka soo qeyb galaan kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, si ay u arkaan xaalada jirta.