Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay waqti dambe Kormeer amni ku tagay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Benaadir.
Kormaarka Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyaha Nisa Xuseen Cumsaan Xuseen iyo Qaar ka tirsan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha degmada Hilliwaa iyo Saraakiil kale oo Ciidan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay baraha Kontorool ee Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi iyo xarunta degmada, waxayna Ciidamada xilligaasi ku guda jireen howlahooda shaqo.
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa 14-kii bishan xilli habeen ah ka baaqday kormeer uu doonayay inuu ku maro Isgoysyo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo kordheen arrimo xasaasi ah oo Siyaasadeed.