Beesha Caalamka oo Walaac Xoogan Ka Mujiyey Xiisada Ka Dhex Taagan Xukumada Iyo Baarlamaanka

0
91

Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay Khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya.

War kasoo baxay Beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah Khilaafka loo dhameeyo si loo amba qaado howlaha horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda Dowladda waxa ay usoo jeediyeen in ay dhowraan Shuruucda dalka u taalla, sidoo kalane ay ka shaqeeyaan Xasilooni siyaasadeed in dalka lagu wajaho in aanan u dhabarka ugu jabin Hormarka Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli uu xoogeystay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Golaha Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu gaaray xilli ciidamo ay qabsadaan xarunta Baarlamaanka.