Ciidamada Amisom oo La wareegey Nabadgelyada Goalaha Shacabka

0
67

Ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa guud ahaan la wareegay Ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdishio.

Ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku sugan xarunta.

Ciidamadaan ayaa yimid ka dib markii Guddoomiye Jawaari uu xalay shaaciyay in ciidamo uu soo diray Ra’iisul Wasaare ay la wareegeen xarunta.

Xarunta Golaha Shacabka ma jiraan shaqooyin badan oo ka socda, waxaana horay u joogay ciidamo loogu tala galay in ay xaqiijiyaan Ammaanka.

Ciidamada AMISOM ayaa horay u jooggay xarunta laakiin saakay ayaa lagu soo daray ciidamo dheeraad ah.