Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka BFS ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu baaqay inuu si deg deg ah ku soo fara geliyo khilaafka u dhaxeeya Xukuumada iyo Madaxweynaha.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweynaha aan looga baahneyn mar walba oo ay wax dhacaan inuu ka aamuso balse looga baahan yahay inuu cadeeyo go’aankiisa ku aadan arrintan.
Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in xukuumada Soomaaliya ay weerar toos ah ku soo qaaday Baarlamaanka hadii uu madaxweynaha ka aamusana ay u aqoonsanaya mid raali ka ah weerarka baarlamaanka lagu soo qaaday sida ay sheegeen.