Ayadoo maalmihi lasoo dhaafay khilaaf siyaasadeed oo baaxad leh uu soo kala dhex galay xubnaha baarlamaan federaalka ah ee somaliya ayadoo uu khilaafkoodana uu salka ku hayey mooshin laga soo abaabuley Xafiiska Reysulwasaraha kaasi oo lala damacsanaa in Gudoomiyaha Baaralmaanaka Federaalka ah ee Somaliyaaya Prof Maxamed Cusmaan Jawaari loogala noqdo kalsoonida Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya.
Qalalaasaha siyaasadeed ee barlamaanka ayaa u xuubsiibtey in Reysulwasaraha adeegsado ciidamada qalabka sida ee somaliyeed kadib kolkii uu ku fashilmey dhanka siyaasada.
Hadaba dhacdooyinka aan kor kusoo xusney xagee ayey ka taagan yihiin 61da Xildhibaan ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Somaliya uga jira Qowmiyada Digil iyo Mirifle? 48kii ee ugu dambeysey Daafeed Media waxaa ay xil iska saartey sidii ay u heli laheyd xaqiiqda dhabta ah ee ku hoos jirta mooshinka la doonayo in Prof Jawaari lagu rido ee laga soo abaabuley Xafiiska Reysulwasaraha waxaana inoo soo baxay in Reysulwasaare Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Abdulahi Farmaajo ay ka dalbadeen Gudomiyaha Baarlamaanka in uu heshiis is afgarad kala galo in Xildhiabanada Baarlamaanka Federaalka Somaliya aanuu ka qaban wax mooshin ah oo ay xildhinada ka keenaan Madaxweyne Farmaajo Reysulwasaare Kheyre iyo Gudoomiye Jawaari taasi oo uu ka biya diidey Gudoomiye Jawaari una sheegey Madaxweynaha iyo Reysulwasaraha in Xildhiabanada Baarlamaanka ay xaq Dastuuri ah u leeyihiin in ay ka keenaan mooshin ruur alaale iyo ruuxii xilka ay u idmadeen uga soo bixi waaya sidii lagu balamay heshiiskaa oo loogu yeerey MOU ( Memorandum Of Understanding )
Qodobka labaad ee aan inta aan xogtan ku guda jirney helney ayaa ayaduna waxaa ay tahay in Xukuumada Reysulwasaare Kheyre ay soo gasshey heshiisyo aan inaba laheyn duKumentiyo cad oo qeeraya heshiisyada ay soo gashey Xukuumada Reysulwasaare Kheyre, Taasi oo Baarlamaanka Federaalka ah ee Somaiya uu sugayo in la hor keeno si heshiiyada dowlada ay soo gashey uu u ogolaado baarlamanka ama uu u diido, Arinkaasi oo uu Reysulwasare kheyre weydiistey Gudoomiye Jawaari in aan loo bandhigin Xildhibanmada Baarlaanka isla markaana uu si hoos e u sixiixo Gudoomiye Jawaari taaso uu mar kale Gudomiye Jawaari ka biya diidey.
Inta aan ku guda jirney xooraanka dhacdadan ugubka ah waxaa inoo soo baxay in inta badan Xildhibaada Baarlamaanka Federaalka ee Somaliya ugu jirto Beelaha Digil iyo Mirifle in aysan waxba kala socon is jiid jidka siyaasadeed isla markaana aanay war ah u heyn waxa socda inta soo harteyna ay ku jahwareersan yihiiin siyaasad nin jecleysi iyo hunguri ku dhisan taasi oo hadaba gees u jiidmeysa, Halka Xildhibanada Beelaha kale ee somaiyeed ay yihiin kuwo si dhab ah ula socda arimaha dhacaya isla markana ka raadinaaya maslaxada beelaha ay ku matalaan golaha.
Si kastoo loo dhigaba arimahan haatan ka socda Magalada Muqdisho ayaa waxaa ay imanayaan ayadoo guud ahaan beelaha ku abrtirsada Digil iyo Mirifle aan laheyn siyaasad hagta iyo weliba Hogaamiye talada ka godo ( Leadership }