Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciin iyo Xildhibaan Sheekh Adan madoobe oo labada kasoo jeeda koonfur galbeed ayaa labaduba waxaa ay safka hore kaga jiraan sidii jawaari loogaga qaadi lahaa xilka gudomiyaha baarlamaanka ayagoo u adeegaya shariif xasan.
Labadan masuul ayaa wexey kasoo kala jeedaan gobolka shabelaha hoose iyo gobolka bakool sida aynu ka warheynana labadaa gobol waxaa ka socda dhibaatooyin aad uy weyn balse ma aysan dhicin tan iyo intii ay matalayeen labadaa gobol in ay ka hadlaan dhibaatooyinka ka jira goboladaas.
Waxaa nasiib daro ah shaqsiyaad ayagaba gudan waayey hooshii loo idmadey iney maanta lasoo shir tagaan gudoomiyaha waxaa uu ku tuntey dastuurka sidaas daraadeed ha is casilo taasoo micnaheedu tahay in aysan keenin karin numbarka xilka looga qaadi lahaa gudoomiye jawaari oo ah 184 xildhibaan.