Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu anbabixi lahaa dalka Qatar sida ay inoo sheegeen xubno siweyn ugu dhaw dhaw xafiiska madaxweynaha.
Saacadihii ugu danbeeyay xarunta madaxtooyada waxaa ka soconayay qaban-qaabada safarka madaxweynaha, hasse ahaatee markii danbe ayuu goostay in uu dib u dhigo socdaalkiisa, sababo la xiriira khilaafka xooggan ee ka dhax aloosan Golaha Shacabka iyo Xukuumadda .
Madaxweynuhu ilaa iyo hadda kama uusan hadal mowqifkiisa khilaafka labada dhinac, balse waxaa jira cadaadis lagu saarayo in uu soo fara-galiyo arintan oo u muuqda mid siyaasadeed.
Xildhibaannada ka soo horjeeda Mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari ayaa ku dhaliilaya madaxweynaha in uu sheeda kore uun ka daawanayo waxa dhacaya, taa badalkeedana looga baahan yahay in uu qaato doorkiisii mas’uuliyadeed ee looga baahnaa.