Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah Xildhibaanada mar walba safka hore kaga jira Mooshinada ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Goodax Barre ayaa sheegay Xasan Sheekh Maxamuud inuu adeegsanayo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan raggii xildhibaanada ahaa xilligii uu Madaxweynaha ahaa.
Xildhibaan goodax ayaa sidoo kale waxaa uu eedeyn usoo jeediyey xildhibaano uu sheegey in madaxweynihii hore isku xiran yihiin isagoo sheegey iney kasoo horjeedaa horumarka ay dowlada ku talaabsatey.
Si kastaba arintu ha ahaatee xildhibaan goodax ayaan inta badan ka shaqeeya siduu u carqaladeyn lahaa howlaha ay qabtaan masuuliyiinta dowlada ee jecel iney dalka horumar gaarsiyaan, Sidoo Goodax ayaa kolkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ahaa madaxweynaha sidan oo kale mooshino lidi ku ah dowlada ka abaabuli jirey golaha baarlamaanka.