Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwandai.
Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay Madaxweynayaasha dalalka Rwanda, Djibouti, South Africa, Gabon, Chad, iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco.
Axmed Ciise Cawad ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” , isaga oo uga sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isaga oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha dalalka Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana.