Wararka naga soo gaaraya deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in koox dabley ah halkaa ku dileen Afar ruux oo rayid ah, qaar kalana afduubteen.
Dadkan ayaa lagu waramayaa in ay la socdeen gaari kuwa rakaabka qaad ah oo dableydu ay ka leexsadeen Waddada iyaga oo intaa kadibna dilay Afar ruux oo ka mid ahaa dadkii gaariga la socday, sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan deegaanka uu falku ka dhacay.
Arrintan ayaa la xiriirinayaa dil habeen hore qof dumar ah loogu geestay gobolka Shabeellaha Hoose oo bilihii uu danbeeyay ay ka jirtay colaad Qabaa’il ku saleysan.
Si kastaba arintu ha ahaatee gobolka shabelaha hoose ayaa ah gobol ay dhibaato lixaad leh ku hayaan isbaarooley kasoo kicitintey gobolada kale ee dalka somaliya kuwaas oo maalin walba deeganada gobolka ka geysta dil dhac boob iyo isbaaro aan dhamaad lahed.