Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.
Warar ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in qaraxa lagu bartilmaameedsaday goob dad badan ku shaahayeen, waxaana jira khasare baaxad leh oo ka dhashay qaraxan.
Ugu yaraan 18 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay qaraxan ku dhinteen kuwaas oo u badnaa dad ka ag dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.
Waxaa sidoo kale jira dad badan oo qaba dhaawacyo kala duwan oo la dhigay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho, kuwaa oo qaarkood la leeyahay waxaa soo gaaray dhaawacyo culus.