Gudiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka oo Ku Baaqey In aan Amniga Loo Dayicin Mooshinka

0
52

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay Mooshinka ka yaalla Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu saameyn ku yeeshay sugida amniga.

Waxa ay sheegeen Guddiga in marnaba aanan loo baahneyn in jahwareer uu ku yimaado sugidda amniga, iyada oo lagu mashquulayo Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari, howlihii waajibka ahaana laga soo tagayo.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in waxyaabo badan ay ka qaldan yihiin howlaha amniga, arrintaasina aanan loo baaheyn.

Guddoomiye Xuseen Carab ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka gaar ahaan laamaha ammaanka in ay ka feejignaandaan falalka ka baxsan amniga, maadaama shalay Shabaab ay qarax ka geysteen wadada Maka Al-mukarama.