Reysulwasaaraha oo u Tacsiyeeyey Eheladii Dadkii Ku Dhintey Qaraxii Shaley ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
50

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadkii shacabka ahaa ee shalay ku naf waayay qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee maanta nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Jidka Maka Al-Mukarama.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray laamaha amniga ee arrintan khuseyso in ay warbixin deg-deg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay ku soo dhaafeen baraha baarista. uuna jirayo xisaabtan dhab ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle deg-deg u bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.