Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shuruud ku xiray in cod u qaadista moshinka guddoomiye Jawaari lagu qabto meel ka baxsan Xarunta golaha shacabka.
Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan diidaneyn in golaha shacabka lagu qabto kulanka balse ay diidan yihiin in cod u qaadista ay ka dhacdo iyadoo ciidamadii ay Xukuumada Soomaaliya geysay xarunta ay weli joogaan.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada hada jooga xarunta aysan ahayn ciidamadii u tababarna ilaalinta amniga xarunta.
Waxa uu tilmaamay in ciidamada laga badalay xarunta ee kuwa hada joogo lagu badalay ay ahaayeen ciidamadii amniga xarunta sugaayay doorashada guddoonka golaha shacabka sanadihii dambena ka howlgalaayay xarunta.
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa horay u dalbaday in meel ka baxsan xarunta golaha shacabka lagu qabto cod u qaadista mooshinka laga keenay goobjoogna ay ka ahaadaan sida uu sheegay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya.