Aqriso: Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka oo Dalka u Horseedaya Qalaase Hore Leh

0
41

Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta soo saareay qoraal uu ku sheegayo in 31 bishan uu qabsoomi doono kulanka looga doodayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari laga keenay.

Waxaa uu sheegay in kulankaasi uu ka dhici doono xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana waxaa uu xildhibaanada ka codsaday in ay soo xaadiraan.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cwali Sheekh Ibarahin ayaa beryahan waxaa uu safka hore uga jiraa sidii uu Jawaari meesha kaga saari lahaa isagoo ku tuntey Dastuurka Qaran iyo dhamaan Xeer Hoosaadyada.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Xoghayha Guud ee Baarlamaanka, Gudoomiye ku Xigeenka Labaad iyo Gudiga Joogta ayaa la sheegayaa in ayagana aysan waxba ka ogeyn hadalada kasoo yeerey Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka wexeyna sheegeen in xiliga ka doodista mooshinka aan marnaba laga dib marin karin 28 bishan oo ah maalinta ugu dambeysa.

Si kastaba arintu ha ahaatee is jiidjiidka siyaasadeed ee ay hor boodayaan dadka danaha gaarka ah leh ayaa waxaa ay caqabad ku noqon doonta shacabka somaliyeed maalmahan soo socda sabatoo ah kulankan uu iclaamiyey Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka ayaa ah kulan dhinac walba kasoo horjeeda sharciga lana rabo in qalalaase hor leh dalka la geliyo.