Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyaan ku-xigeenkiisa labaad Mahad Cawad Cabdalla iyo Xoghayaha Baarlamaanka iyo xildhibaanno ayaa kulan kula qaatay Xerada Xalane Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.
Kulanka oo ahaa mid waqti badan qaatay ayey labada dhinac uga wada hadleen xiisada ka dhalatay Mooshinka laga keenay guddoomiyaha iyo sugida Amniga xarunta Golaha Shacabka oo la wareegeen ciidamo aan aheyn kuwii horay u joogay.
Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa weydiistay AMISOM in ay sugaan ammaanka xarunta Baarlamaanka, iyadoo dhawaan la filayo in codka kalsoonida loo qaado Mooshinka.
Madaxda AMISOM ayaa la sheegay in ay aqbaleen dalabka guddoomiyaha , iyaga oo balanqaaday in ay dardar geliyaan howlaha sugida amniga Xarunta Golaha shacabka, iyadoo AMISOM waajibaadkeeda qeyb ka yahay amniga Guddoomiye Jawaari.