Daawo:Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Dalka Ingiriiska oo Baaq u Direy Xukuumada

0
39

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen wasiiro horey xukuumada federaalka xilal uga soo qabtey, xildhibaano siyaasiyiin, Aqoonyaho iyo waxgaradka kasoo jeeda jaaliyada koonfur galbeed ee dalka ingiriiska ayaa maalintii shaley lagu qabtey magalada london.

Kulankaasi oo loogaga hadlayey xaalada murugeysta ee soo food saartey dalka kaasoo sal u ah qilaafka u dhexeeya golaha shacabka iyo mooshinka ka dhanka ah gudoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari, Wexeyna xukuumada fedraalka somaliya ugu baaqeen in si deg deg ah lagu xaliyo khilaafka ka taagan golaha shacabka lana waafujiyo sida uu qoraayo dastuurka qaranka iyo xeer hoosaadkiisa.