Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu ugu jawaabay qoraal ka soo baxay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka C/wali Ibraahim Muudey.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey ayaa shaaciyay in 31-da bishan maalinta Sabtida ah uu qabsoomi doono kulanka looga doodi doono Mooshinka ka yaalla Guddoomiye (Jawaari).
Mahad Cabdalla Cawad ayaa warqada ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Muudey ku tilmaamay mid aanu aheyn mid ka soo baxay Guddoonka xafiiskiisa oo loo dhan yahay,
Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye Cawad in Guddoomiye ku xigeenka 1-aad uusan go’aamin karin xilliga uu furmayo kulanka codka kalsoonida loo qaadayo Guddoomiye Jawaari, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Jawaari uu yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Sidoo kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay warqada ka soo baxday xafiiska Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey.
Xildhibaanada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Guddoomiye Muudey uu sharciga ku xad gudbay go’aan keligiisana uu qaatay.