Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay kulan ay soo qaban qaabisey wasaarada arimaha gudaha ee dowlada federaalka somaliya kulankaas oo looga hadlaayo dib u heshiisiinta degmada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Degmada Marko ee gobolka shabelaha hoose ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay waxaa ka jiray dagaallo Sookeeye oo u dhexeeyey beelaha habr gidir iyo biyamaal kaasoo sameyn weyn ku yeeshay Bulshadda kunool degmadaasi.
Kulanka ayaa Waxaa ka qeyb galaya Ergooyin ka socda labada beeleed iyo weliba waxaa kaloo la filayaan iney ay kasoo qeyb galaan madaxda dowlada iyo odayaasha gobolkas shabelaha hoose.
Si kastaaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo dib u heshiisiin loo sameeyo beesha kasoo duushey gobolada dhexe iyo biyamaal marar badan ayuuna fashil ku dhamaadey ayadoo dadka ay sabab uga dhigayaan in kolka la sameynayo dib u hishiinta aan laga hadley waxa dhanbta ah ee jira.