Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gelinkii dambe ee shaley shir guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogta Golaha, Ayaa kulankaasi waxaa looga hadley ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii dib loogu bilaabi lahaa howlaha caadiga ahaa ee fadhiyada Baarlamaanka iyo shaqooyinka kale ee horyaalla Golaha Shacabka.
Kulankaasi ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, xubnaha Guddiyada joogtada ah, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo Hab dhowrayaasha.
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey oo la rumeysan yahay inuu hor boodayo xildhibaanada la sheegay in ay gadaal ka riixeyso xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayra ayaan soo xaadirin kulanka.
Xubnahan shirka ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isku raaceen inuu jiro Sabtida kulanka Baarlamaanka, ajandihiisana laga dhigo doono xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo ee ka dhalatay xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Aaydoo dhanka kalana uu horey u shaaciyey Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey in maalinta Sabtida ee Taariikhdu ku began tahay 31-ka bishan March in xildhibaanada ay ka doodi doonaan Mooshinka Guddoomiye Jawaari.