Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay sababtii keentay in maanta la hakiyo kulankii Baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay in Guddoomiye Jawaari in isaga iyo labadiisa ku xigeen ay la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ay ku heshiiyeen in kulanka la baajiyo.
Guddomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday in la baajiyo kulanka, maadaama ay jirto kala aragti duwanaan ka dhex jirta Xildhibaanada.
Sidoo kale waxaa uu xusay in la dhameyn doono Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay uu khilaaf ka dhex taagnaa.