Golaha Ammaanka oo Arabacadii shalay yeeshay kulan ayaa waxaa ay falanqeeyeen weerarada xoogagga ururka Al-shabaab ee ka dhanka ah fariisimaha ciidamada Midowga Afrika ee AMIOSM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin Gobolada dalka.
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa waxa ay tusaale u soo qaateen weeraro is daba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magalada muqdisho waxayna tilmaameen in falalkaasi ay aad uga xun yihiin oo aysi wadajir ah u cambaareynayaan.
Waxay hoosta ka xariiqeen Golaha baahida loo qabo in la keeno dembiileyaasha, qaban qaabiyeyaasha, maal-galiyeyaasha iyo kafaalad-qaadayaasha ficilladan, taasi bedelkeeda ayay isku raaceen in ay kordhin doonaan taageerada dhaqaale ee ay siinayaan ciidamada AMISOM, si ay u yareeyaan weerarada khatarta leh ee Al-shabaab.
Golaha ammaanka ayaa waxaa ay sheegeen in ay u mahadcelinayaan dhammaan hawlwadeenada caalamiga ah ee ka shaqeynaya inay nabad iyo xasillooni ka dhalato Soomaaliya.