Xildhibaano Xukuumada ugu Baaqey in Si Dhaqso Ah Loo sii Daawo Ilaaladii Gudomiyaha Baarlamaanka

2
122

Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliyeyaasha ciidamada aanay dhex dhexaad ka aheyn xaalada siyaasadeed ee uu dalka galay.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ilaaladii Guddoomiye Jawaari la xiray, taasna ay tahay arrin xadgudub ku ah xurmadiisa, waxaana ay ku baaqeen in loo soo celiyo ciidamadii laga qaaday.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Xukuumadda in ay faraha kala baxdo arrimaha baarlamaanka, isla markaana ay sii qaadeyso tallaabooyin xaalada uga sii dari karta.

Xildhibaanadan ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay Guddoomiye Jawaari ee ahaa in uu xerada qabsaday, hase ahaatee taa bedelkeed waxay sheegeen in boqolaal ciidamo ah ay dowladda ku soo daadisay waddooyinka iyo gudaha xarunta baarlamaanka.

Waxaa ay sheegeen in ciidamadii booliska ee gudaha xarunta baarlamaanka ku jiray ay watene bastoolado iyo kantiinado, taasoo looga gol lahaa in lagu jeebeeyo xildhibaanada sida ay hadalka u dhigeen.

2 COMMENTS

  1. Aqoon uma lihidin Tiimka dowlada, Fiiriya Madaxweynaha , Raiisulwasaraha fiiriya wasiirada fiiriya la taliyayaasha, Dawlada ka ad-adag, dawladda ka tayo wanaagsan ka shaqo badan ka sharci aqoon badan, Iska daa miskiinta hadashee kuwa kaa weyn baa arinta ogaaday inay faraha ka baxday ee dameerad yeertay baa tahay

  2. asc ceyntey ayey ku socotaa fariintan marka hore si fiican ayaa team ka dowlada aqoon loogu leeyahay waa team ku midoobey in si sharci daro ah ula dhaqmaan gudoomiyaha golaha shacabka wuuna ka diidey sharci buu ku yimid sharci ayuu ku baxayaa taas ma ahan mid adiga lagaala tashanayo teeda dameer yeerey adigaa ah YOU GOT IT???

Comments are closed.