Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka saacadihii ugu danbeeyay soo baxay oo sheegaya in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari qorsheynayo in uu is casilo.
Haddaba waxaa arintaa ku gacan seyray xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo sheegay in marnaba guddoomiyaha qorshihiisu aheyn in uu is casilo, laakiin aamisan yahay in sharciga lagu kalo baxo.
Sidoo kale xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in guddoomiye Jawaari is casilayo.
Lama oga halka looga dhaqaaqayo is mari-waaga wali taagan oo aad moodo in uu gaaray heerkiisii ugu sareeyay siweynna uga kala qeybsameen xildhibaannada Golaha Shacabka.