Qarax loo maleynayo in uu ahaa Ismiidaamin ayaa goor dhaw dhacay KM4 gaar ahaan Koontaroolka ku dhaw xarunta shirkadda Sahal waddada gasha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho
Qaraxan oo nuuciisa lagu sheegay in loo adeegsaday gaari wax-yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Barta-Kontorool ee ciidamada nabad Sugidda ay ku leeyihiin halkaa.
Inta la xaqiijiye ilaa iyo hada qaraxan waxaa ku geeryoodey ninkii ismiidaamiyaha ahaa, iyadoo sidoo kalana ay dhawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka.
Qaraxan ayaa kusoo beegmay xili inta badan dadku ay ku jireen Salaada Jicmaha, inta badanna goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aheyd mid aysan dad badan ku sugneyn.