Akhriso: Xogta Rasmiga Ah Iyo Sida Loo Kala Heysto Xildhibanada

0
71

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay mar kale baajiyey shirkii maanta ee Baarlamaanka loo balansanaa. Baajinta ayaa ka danbaysay kulan uu shalay la qaatay sii haya safaarada Maraykanka Martin Dale Gudoomiye Jawaari.

Martin Dale oo kulanka Jawaari kadib kulamo la qaatay xubnaha Beesha caalamka ayaa khadka Taleefanka kula soo hadlay Madaxweyne Farmaajo kuna wargilyey in dooda Gudoomiye Jawaari ay adag tahay, la tashiyo ay la sameeyeen sharci yaqaano Soomaali iyo Ajnabi isugu jira oo arrinka ka tala bixiyeyna ay sheegeen in aan buuq iyo gacan taag lagu ridi karin Jawaari.

Waxay Madaxweynaha u soo jeediyeen in ay isaga masuuliyad ka saaran tahay xalinta khilaafka. Waxay kula taliyeen in mudo 5 maalin gudahood ah uu sedex arrin midkood keeno.

1- In Jawaari si sharci ah oo 184 cod oo qarsoodi ah, si daah furan xilka looga qaado.

2- In uu Jawaari ku qanciyo in uu is casilo.

3- In uu wadahadal la galo Gudoomiyaha xalna laga gaaro khilaafka.

Labada hore suuragal maaha. Tan sedexaad ayaa noqotay khiyaarka keli ah ee inoo furan. Maanta shan saac ayaa wadahadal loo balansan yahay Xigsho: Masuul sare oo Madaxtooyada ka tirsan.

Tirada Guud ee Xildhibaanada Mogadishu jooga waa 256 Xildhibaan:

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa kusoo aruurey 63 Xildhibaan; waxaad ku dartaa 48 Xildhibaan oo Wasiiro ah waa 111 Xildhibaan.
Xildhibaanada la safan Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ah 120 Xildhibaan; 256 Xildhibaan marka ay joogto Mogadishu ogow waxa kaliya uu u baahnaa Guddoomiye Jawaari ayaa aheyd 73 Xildhibaan lakn waxaaba uu heystaa 47 Xildhibaano oo dheeri ku ah 73da looga baahnaa 120 Xildhibaan.

Waxaa xusid mudan iney soo baxeen Xildhibaano dhexdhexaad ka noqdey Khilaaf oo uu homaaminayo Dr Sakariye Xaaji Maxamud Cabdi Tiradoodana waa 25 Xildhibaan.

Waxaa kaloo jira Xildhibaano siyaabo kala duwan u maqan sida Xanuunsan; isbitaal kujira; Dhintay; Xilal kale loo magacaabey Tiradooda Guudna waa 19 Xildhibaan.

RW Xasan Kheyre 111 Xildhibaan + Guddoomiye Jawaari 120 Xildhibaan + 25 Dhexdhexaad + 19 Xildhibaan Siyaabo kala duwan u maqan = 275 Xildhibaan.