Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii dowladda u sii dar dar gelin laheyd taageerada ay Baarlamaanka Soomaaliya siiso.
Sidoo kale kulanka waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiinta Hay’adda TIKA oo ah hay’adda dib u dhiska ku sameyneysa Xarunta ku meel gaarka ah ah ee golaha shacabka.
Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay mar walba diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siineyso Soomaaliya.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la kulmay Sii hayaha Safiirka Mareykanka u fadhiya Somaliya oo ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda Somaliya.
Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa uga mahad celiyay dowlada Turkiga iyo hay’adda TIKA sida ay mar walba u garab taagan yihiin golaha shacabka gaar ahaan dhismaha hada ay ku sameynayaan xarunta golaha shacabka.