Waxaa dib u dhac ku yimid kulan maanta oo Sabti ah lagu waday in ay yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka, kaddib markii waqti danbe ee xalay laamaha Amniga lagu wargaliyay in ay u diyaar-garoobaan kulanka golaha Shacabka islamarkaana sugaan Amniga.
Warar xili hore ee saakay soo baxay ayaa lagu war-galiyay xildhibaannada iyo laamaha Amniga intaba in uu dib u dhacay kulanka sababo aan la sheegin, hasse ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu wali jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya xildhibaannada iska soo horjeeda lagana baqay in mar kale kulankaasi qalalaase gallo.
Ilaa xalay waqti danbe magaalada Muqdisho waxaa ka soconayay kulamo gooni gooni ah oo ay lahaayeen, xildhibaanno, madaxda sare ee dalka iyo saraakiisha hay’addaha Amniga oo dhamaantood ku saleysnaa u diyaar-garoowga kulanka lagu waday in uu maanta qabsoomo.
Dadka reer Muqdisho ayaa siweyn ugu dhagtaagaya halka uu sal dhigan doono khilaafka muddaba soo jiitamayay ee ka dhashay mooshinka laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo wali siweyn uga biyo diidan sharci ahaanshaha mooshinka.