Wararka ka imaanaya Muqdisho Caasimada Dalka ayaa waxay ku waramayaan in Kulankii ugu horeeyay ee ay maanta isla qaateen Xubnihii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari usoo magacaabay wadaxaajoodka iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhamaaday fashil kadib Kolkii Madaxtooyada Soomaaliya ay Shuruud soo hor dhigtay Gudigii Gudoomiye Jawaari taasi oo Gudiga ay diideen.
Sida aan Wararka ku Haleyno Sharuudihii uu Madaxweyne Farmaajo soo bandhigay ayaa lagu sheegay inay ahayd in uu madaxweynaha daneynayo inuu Ra’isulwasaare Kheere uu weydiisto inuu ISTIQAALOKEENO dibna aan wax loogu raacan Isaga iyo Golihiisa Wasiirada midna taasi oo ay Gudigii Jawaari na diideen
Talaabadan cusub ee uu Madaxweyne Farmaajo weydiisay Gudiga wada hadalada ku metelaayay Gudoomiye Jawaari ayaa timid kadib Kolkii 24 kii Saac ee lasoo dhaafay ay Qaybaha Siyaasada dalka isku haya ay wada hadalo la yeesheen Hay’adaha Caalamiga ah iyo Wadamada Daneeya arimaha Soomaaliya taasoo laysku wada afgartay in Dowlada Ra’isulwasaare Kheere laka diro.
Si kastaba arintu ha ahaatee is qabqabsigan siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa waxaa uu dib u dhigey dhamaan howlihii ay qaban laheyd xukuumada iyo weliga Golaha Shacabka, dhanka kalana waxaa marag ma doonto ah in Madaxweyne Farmaajo uu shaqadiisa u gudan sidii loogu tala galey taasina ay keentey in is qabqabsiga muushika uu halkan gaaro.